Anigaan warkaagiyo ba hayn, weerarkiyo qiiqa
Oo waqalka gurigayga, galay waaberkiyo maalin
Oo socodka kaa waansaday, iyo wararka suuqaaga
Inuu waranku xiimiyo dilkiyo, wiiftadiyo baaqu
Oon waras laguu reebin iyo weledka, kii fiican
Wadnihii jidkaagii wacnaa dhiigu, walacleeye
Werdi iyo kitaab kuuma qorin, waana la hubaaye
Koley wararki suudaan tagtiyo tawro lagu waaro
Xamareey wanaag baa danbayn, lagu walaaloobo.
Abdijibaar Aaden Gaas